Kooxda hubaysan ee Daalibaan kana dagaalanta dalka Afkaanistaan ayaa ku dhawaaqday in ay bilaabayso saddex maalmood oo xabbad-joojin ah, taas oo ka bilaabmi doonta maanta oo Axad ah kuna beegan maalinta koobaad ee laga ciidayo dalka Afkaanistaan iyo badi dunida Muslimka.

“Haku qaadina wax weerar ah cadawga, hadii ay idin soo weeraraana kaliya difaaca nafihiina” ayaa lagu yidhi war kasoo baxay afhayeenka Daalibaan. Wuxuu intaa ku daray in ciida awgeed ay arintan shaaciyeen.

Madaxweyne Ashraf Qaani ayaa soo dhaweeyay xabbad-joojinta Daalibaan, isagoo balan qaaday in ciidamadiisu ay tallaabo la mid ah qaadi doonaan.

Afkaanistaan ayaa dagaal sokeeye cagaha kula jirtay tan iyo sanadkii 2001-dii, markaas oo Maraykanku uu duulimaad ku qaaday dalka ku yaala koonfurta qaaradda Asia. Heshiis lagu rabay in lagusoo af-jaro colaada riiqda dheeraatay oo dhex maray Daalibaan iyo Maraykanka ayuu curyaamiyay muran ka dhashay fulinta maxaabiis is-waydaarsi heshiiska ku xusnaa, iyadoo dawladda Afkaanistaan ka gaabisay sii daynta maxaabiista heshiiska ku xusnayd.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga