Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Cali Mahdi Maxamed, ayaa goordhawayd geeryooday sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen xubno kamid ah qoyskiisu.
Cali Mahdi ayaa noqday madaxwaynaha Soomaaliya, January 26, 1991, waxaanu xilkaa hayay illaa January 3, 1997, xilligaasi oo ay Soomaaliya ka jirtay fawdo daran.
Cali Mahdi wuxuu dhashay sannadkii 1939-kii magaalada Jawhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Wuxuu ahaa ganacsade, waxaanu siyaasadda Soomaaliya kusoo jiray muddo dheer, isagoo kasoo qabtay xilal kala duduwan.
Cali Mahdi ayaa lagu xasuustaa dagaalkii Muqdisho ku dhex maray isaga iyo Caydiid, kadib markii Siyaad Barre dalka ka cararay.
WARARKII UGU DAMBEEYAY KALA SOCO SAAB TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga