Cisbitaalada ayaa qarka u saaran in ay gabi ahaanba xidhmaan kadib hannaanka caafimaadka oo fashil ku dhaw.

Dalka Brazil waxa kasoo baxaysa cabsi xoogan oo laga qabo in badi cisbitaalada caafimaadka ee dalkaasi ay shaqada joojiyaan, kadib heerka xun ee ay gaadhay saamynta xanuunka Covid-19 ee gudaha dalkaas.

80% xadi ka badan oo ah qaybaha gargaarka degadega ah ee cisbitaalada magaalooyinka waawayn ee Brazil ayaa imika buuxa, kuwaas oo ay ka dayrinayaan saraakiisha caafimaadka ee Brazil.

Digniinaha halista ah ee Brazil ayaa soo baxaya xili madaxweyne Jair Bolsonaro uu diiday tilmaamaha caafimaadka iyo xaniibadaaha Covid-19 uu khubarad acaafimadka.

In ka badan 266,000 oo qof ayuu fayrasku ku dilay gudaha Brazil, iyadoo in ka badan 11 million oo qofna uu ku dhacay.

Waa dalka labaad ugu dhimashada badan dunida oo dhan xanuunka, marka laga yimaado dalka Maraykanka oo isagu hogaaminaya tirada ugu badan ee dhimashada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga