Koonfurta Kuuriya waxay walaac wayn ka muujisay dalka ay jaarka yihiin ee Waqooyiga Kuuriya, kaas oo mar kale bilaabay casriyaynta gantaalada ridada dheer.

Xukuumadda Seoul waxay ku baaqday in dib loo bilaabo wada xaajoodkii labada Kuuriya oo muddooyinkii danbe hakad galay.

Walaaca Koonfurta Kuuriya ayaa imanaya xili maalintii Sabtida ay Kuuriyada Waqooyi mar kale soo bandhigtay cudueeda milatari, iyadoo xusaysa 75 guurada kasoo wareegtay markii la aasaasay xisbiga shaqaalaha ee u arimiya Waqooyiga Kuuriya.

Labada Kuuriya ayay ka dhaxaysaa colaad sanado badan soo jiitamaysay, mana jiro heshiis la taaban karo oo dhex maray mudadaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga