Kim Jong Un hogaamiyaha Kuuriya Waqooyi wuxuu markii ugu horaysay ka hadlay dil ay ciidamadiisa milatarigu u gaysteen sarkaal ka tirsan waaxda kalluumaysiga ee dawladda Koonfurta Kuuriya.

Kim Jong Un wuxuu raali galin ka bixiyay dilkaas isagoo sheegay in uu aad uga xunyahay.

Wakaalada wararka ee Waqooyiga Kuuriya ayaa ku warantay Jimcaha maanta in warqad uu Kim u diray dhigiisa Koonfurta Kuuriya uu ku muujiyay walaaciisa.

Madaxweyne Moon Jae-in, hogaamiyaha Koonfurta Kuuriya ayaa wajahaya cadaadis xoogan oo ah in uu jawaab ka bixiyo dhacdada lagu dilay sarkaalka dalkiisa u dhashay. Lamana oga tallaabada uu qaadi doono, xili dhigiisa Waqooyigu uu u gudbiyay raaligalin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga