Turkigu wuxuu xabsiga u taxaabayaa tobanaan qof oo saraakiil mucaaridka kasoo jeedaa ay ku jiraan. Xukuumadda madaxweyne Erdogan ayaa ku dhawaaqday amar laguu qabqabanayo dadkaas.

82 qof ayaa la qorsheeyay imika in la xidho, iyadoo lala xidhiidhinayo dibadbaxyo lix sanno ka hor ka dhacay dalka Turkiga.

Waxa dadkan ku jria maayir ka tirsan mucaaridka Turkiga.

Sanadkii 2014-kii ayaa la sheegay in ay qayb ka ahaayeen kacdoon sababay in kooxda Daacish ay la wareegto deegaanka Kobane ee dalka Suuriya, halkaas oo ay dagaan Kurdidu.

Rabshaduhu intii ay soceen waxa la dhaawacay boqolaal ka mid ah ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, halka in ku dhaw 500 oo qof oo rayid ahna ay wax yeelo kasoo gaadhay.

Xukuumadda madaxweyne Erdogan ayaa ugaadhsanaysa cid kasta oo ay u aragto in ay wax yeelaynayso maamulka jira. Iyadoo hore kumanaan qof loo maxkamadeeyay gudaha Turkiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga