Khamenei oo qaar ka mid ah shacabka Theran tukinaya.

Muddo gaadhaysa siddeed sanno waxa markii ugu horeysay qaar ka mid dadka ku dhaqan magaalada Tehran ee dalka Iran tukiyay hogaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas, Ayatullah Cali Khamenei.

Arintan ayaa daaha ka faydaysa xaaladda gudaha waddanka Iran oo hadda kacsan, xili wali ay socdaan dibad-baxyada lagagasoo hor jeeday falkii ay ciidanka milatariga ee Iran kusoo rideen mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka oo laga lahaa Ukraine, taas oo dhammaan dadkii saarnaa ay ku dhinteen, balse ay dawladda Iran sheegtay in si khaldan loosoo riday diyaaradda isla markaana aan loola badheedhin gantaalkii ku dhacay.

Salaadii Jimcaha ee maanta ayuu Khumenei shacabka reer Tehran tukiyay isagoo duco dheer galay, si ay shacabkiisu u midoobaan isla markaana ay uga baxaan xaaladaha adag ee dalku uu imika wajahayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga