Kiiniya, wasiirka arrimaha arrimaha gudaha Fred Matiang’I, ayaa waxaa uu digniin iyo hanjabaad u diray kooxda Al-shabaab iyo dad uu ku tilmaamay inay gabbaad siiyaan, wasiirka arrimaha gudaha Kiiniya waxa uu sheegay inay si adag ula dhaqmi doonaan haddii ay gacanta ku dhigaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu wasiirku sheegay inay Kiiniya ka go’antahay ilaalinta xuquuqda aadanuhu balse ay masuuliyad wayni ka saaran tahay ilaalinta dalkiisa Kiiniya oo aanay kala saari doonin cadowgooda iyo kuwa caawinaya waxa uu ku tilmaamay cadawga.

Hadalka wasiirka arrimaha gudaha Kiiniya, ayaa imanay xilli uu ka hadlayay shir lagu gorfaynayay arrimaha ammaanka oo ka dhacayay magaalada Mombasa ee xeebta ku taalla.

Kala soco Saab TV, wararkii ugu dambeeyay gobolka geeska Afrika iyo adduunka

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga