Dibad-baxyada la socda dalka Maraykanka ayaa sii xogaysanaya iyagoo galay maalintii 12-naad ee xidhiidh ah. Magaalada Washington ayay iskugusoo baxeen tobanaan kun oo qof.

Dadka ayaa dalbanaya in wax laga bedelo tacadiyada booliska ee dadka madaw taas oo sanado badan ay dhib ku qabeen dadka midabka lagu takooro gudaha dalka Maraykanka.

Ciidamada ammaanka ayaa xidhay jidadka gala Aqalka Cad ee Maraykanka looga taliyo. Hore ayay mudaharaadayaashu u gubeen beerta Aqalka Cad, markaas oo ammaanka madaxweyne Trump uu halis galay.

Dibad-baxyaasha ayaan kala lahayn isir, yar iyo wayn. Balse dhammaan waxay ku qaylinayaan in ay helaan caddaalad loo siman yahay.

Rabshadaha ayaa u eg qaar istaagay balse dadka soo baxaya ayaa sii kordhaya magaalooyinka oo dhan. Waxay astaan u tahay baaxadda cadhada ka dhalatay axmaqnimada booliska ee ka dhanka ah dadka madaw.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay Twitterla ku sheegay in dibad-baxyada Washington ay ka yaryihiin intii uu filayay, isagoo ciidamada ammaanka u mahad naqay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga