Kenya waxay mar kael dalbanaysaa in kiiska dacwadda badda ee ka dhaxaysa Soomaaliya dib loo dhigo.

Dawladda Kenya waa markii afraad ee maxkamadda ay ka dalbanayso in kiiska dib loo dhigo oo lagu daro muddo kale oo dheeraad ah. Markan waxay Kenya ku andacaoonaysaa in ay wayday mid ka mid ah maababka caddaynta u ahaa ee ay la hor tagi lahayd maxkamadda ICJ.

Sanadkii 2019 ayay Kenya dalbatay in dib loo dhigo kiiska badda. Dabayaaqadii isla sanadkaas ayay mar kale ka dalbatay Maxkamadda Caddaalada Dunida in ay dib u dhigto kadib markii ay ku andacootay in aanay mudada lasiiyay ku diyaar garoobi karin. Sanadkii 2020 badhtamihiisii ayay mar kale codsatay in dib loo dhigo kiiska, iyadoo markaas sheegtay in Covid-19 uu saamayn ku yeeshay.

Maxkamadda ICJ waxay hore u sheegtay in aanay mar danbe aqbali doonin codsi kale oo ah in dib loo dhigo kiiska u dhaxeeya labada waddan.

Xukuumadda Nairobi waxay rabtaa in wada-hadal lagu dhameeyo kiiska lagana soo saaro maxkamadda.

Dalabka Kenya ayaa kusoo beegmaya xili la bedelay madaxweynihii maxkamadda ICJ, Cabdulqawi Yuusuf, oo asal ahaan Soomaali ahaa. Waxaana lagu bedelay gabadh Maraykan ah. Cabdulqawi wuxuu weli ka tirsanyahay sagaalka gar-soore ee maxkamadda ICJ.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga