Qaramada Midoobay waxay war kasoo saartay xaaladda dalka Soomaaliya iyo is-mari waaga ka taagan doorashooyinka dalkaas.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay ka arinsaday arinta Soomaaaliya ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya in ay si degdeg ah u xaliyaan khilaafaadka doorashada.

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Jmes Swan, ayaa ka digay hadii ay sii dheeraato mudada heshiis la’aantu ay sii socon karto.

Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay wuxuu ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalada arimaha doorashooyinka ee maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe. Waxay sidoo kale bogaadiyeen dhamaan dedaalada socda.

Goluhu wuxuu hogaamiyaayasha Soomaaliya u sheegay in ay eegaan danta guud ee dadkooda iyo dalkooda, isla markaana ay xal degdeg ah u helaan kala-aragti duwanaanshahooda.

Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna dhankeeda waxay digniin adag kasoo saartay siyaasadda Soomaaliya. Wasaaradda arimaha dibadda oo war soo saartay ayaa sheegtay in hadii mudadu ay sii dheeraato ay kor u qaadayso suurtagalnimada xasilooni darrada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga