Dimuqraadiyiinta ayaa raba in kiiska la dedejiyo si Trump loogu ciqaabo hadalo uu hore u yidhi. Donald Trump, madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka ayaa wajahaya dacwaddii ugu adkayd, iyadoo la rabo in Aqalka Sennedka lagu dacweeyo.

Xeer-ilaaliyayaasha ayaa aaminsan in Trump lagu hayo caddaymo ku filan oo ah in uu kiciyay rabshado halis galiyay xildhibaanada baarlamanka Maraykanka, madaxda baarlamanka, iyo xataa ku xigeenkii Trump Mike Pence oo tallaabooyin kooban kaga badbaaday taageerayaashii Trump ee weeraray aqalka baarlamanka ee Capitol Hill.

Aqalka Sennedka oo cod u qaadi doona ayay imika hor taala dacwadda ka dhanka ah Trump oo ah xil-ka-xayuubin.

Dimuqraadiyiinta oo kiiska Trump dabada ka riixaya ayaa iyagu jeediyay caddaymahooda. Kuwa difaacaya Trum ayaa iyaguna maanta oo Jimce ah hor tagaya Aqalka Sennedka si ay Trump uga difaacaan eedaymaha loo haysto.

Kadib dhagaysiga labada dhinac, Sennedku wuxuu cod u qaadi doonaa in Trump uu masuul ka ahaa weerarada ay taageerayaashiisu ku qaadeen Aqalka Kongareeska ama in cod ku filan ay dacwaddu heli waydo oo aan Trump lagu qaadin wax kiis ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga