Dawlada Kenya ayaa 10kii sanaba hal mar qabata tiro-koobka Dadka iyo Guryaha si loo ogaado korodhka iyo tirada dhabta ah ee dadka ku nool gudaha wadanka Kenya iyo tirada Guryaha ku yaala halkaasi ee ay dadku ku noolyihiin, waxa markii ugu danbaysay la sameeyey tiro-koobka sanadkii 2009 oo hada laga joogo 10 sano.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Kenya Dr. r. Fred Matiang'i ayaa sheegay in laga bilaabo 5:00 pm Galabnimo la xidho dhamaan baararka iyo melaha ay dadku iskugu yimaadaan ee ay habeenkii ku caweeyan si qofkasta oo dalka jooga habeenimada Sabtida (24 Aug 2019) uu ugu sugnaado hoygiisa oo kooxaha tiro-koobku ugu yimaadan.

Tiro-koobkan ayaa waxa maamulaysa Xafiiska Kenya National Bureau of Statistics (KNBS) oo dalka Kenya u qaabilsan arrimaha tiro-koobka kaas oo 10 sanaba hal mar sameeya tiro-koobka guud ee dalka. Hayadan ayaa ururin doonta xogta muwadiininta dalka ku nool, kadibna ku samayn doonta abla-ablayn soona saari doonta warbixino faah-faahsan oo loo adeegsado arrimaha maamulka dalka.

Tiro-koobka ayaa xalay 6:00 pm ( Lixdii makhribnimo) ka bilaabmay dhamaan deeganada Kenya iyada oo KNBS ay u qaaybisay unugyo xog-ururineedoo gaadhaya 129,123 (enumeration areas) shaqaale ICT oo gaadhaya 2,467 iyo kormeerayaal (supervisors) gaadhaya 22,268 Xog-tana waxa uruurinaya shaqaale gaadhaya 138,572, kuwaas oo adeegsanaya Mobile Tablets.

Waa markii koobaad ee shaqaalaha tiro-koobka Kenya ay adeegsanayaan qalab casriya oo ah Tablet kuwaas oo si toos ah u kaydinaya xogta qofka la warasanaayo, Kenya ayaa kamid noqonaysa wadamadii ugu horeeyey ee Africa tiro-koobka u adeegsada qalabkan casriga ah ee Mobile Tablets ka ah. 

Kooxaha tiro-koobka samaynaya waxay dadka ku booqanayaan guryahooda si loo tiriyo inta qof ee habeenkas u soo hoyotay guriga, waxaan guri kasta laga buuxinaya foomka tiro-koobka oo qaadanaya ila 30 daqiiqo in la dhamaystiro. Xeerka tiro-koobka ayaa dhigaaya hadii qofku been ka sheego xogta uu bixinaayo in uu mutaysanaayo ganax lacageed culus iyo waliba ay dhici karto in la xidho, dadka ayaa la waydiinaya xog kala duwan sida Da’adooda, Jinsiga, aqoonta, inaad ledahay qalabka ICT, shaqooyinka, inaad xoolo ama beer ledahay, ID ama Passport inay haystaan iyo su’aalo la xidhiidha adeegyada ay helaan sida biyaha, korontoda, cafimaadka iwm. 

Kooxaha tiro-koobka ayaa xalay guryohooda ku soo diiwaangeliyey dhamaan Masuuliyinta ugu saraysa dalka kuwaas oo ay ku booqdeen guryahooda sida Madaxweynaha Uhururu Kenyatta, Madaxweyne ku xigeenka Ruto Madaxweynihii hore Kenya Moi iyo Hogaamiyaha Mucaaridka Raila Odinga, kuwaas oo dadka ku booriyey inay si fiican uga qayb qaatan tiro-koobka runa ka sheegan xogtooda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo dadka wadankaasi la dardaarmaya ka hor tiro-koobka ayaa sheegay in dadku si fiican uga qeyb qaatan tiro-koobka oo ay shaqaalaha uga jawaaban sulaha iyo xogta laga doonayo, wuxu Madaxweynuhu sheegay in Dawladu doonayso inay ogaato tirada dadka si loo qorshayn karo Dugsiyo, Cisbitaalo, Koronto, iyo Adeegyo ku filan dadka iyo goobaha ay ku nool yihiin.

Xogta ka soo baxda tiro-koobka ayaa Dawlada Kenya u adeegsataa arrimo badan oo ay kamid yihiin, qaybinta iyo jaangoynta adeegyada asaasiga ah sida biyaha,

caafimaadka, guryaha, wadooyinka, korontada, iwm, sida oo kale waxa loo adeegsada xogta tiro-koobka dajinta xuduudaha, qaybinta kuraasta barlamaanka iyo deegaanada iyo u qaybinta dhaqaalaha dawlad hoosedyada Kenya (Country Governments)

Tiro-koobkan ayaa sido kale ka socda deeganka Soomaalida Kenya degaan gaar ahaan Gobolada Garisa, Wajir iyo Mandheera oo kamid ah dawlad hoosedyada (County Government) Dalka Kenya.

Dadka reer Kenya ayaa maanta aad ugu wadaagay baraha bulshada tiro-koobkan iyaga oo Twitter iyo Facebook aad ugu soo qoraya waxay kala kulmeen tiro-koobka, sulihii la waydiiyey, sida oo kale waxa siyaasiyiintu soo dhigayaan barahooda bulshada soo dhigayaan sawirada iyaga oo guryahooda lagag buuxinayo foomamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga