Sida ay ku warramayaan warbaahinta ka hawl gasha magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxaa saaka qarax xooggani ka dhacay degmada Hodan.

Qaraxa ayaa ka dhashay nooca miinada dhulka lagu aaso, kaasoo lala eegtay saraakiil katirsan ciidamo katirsan Militariga Soomaaliya, kuwaasoo saarnaa gaadhi xaajid nooceedu yahay TOYOTA HILUX.Qaraxa, ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof, iaydoo ay ciidamada ammaanku goobta

gaadheen. Miinada qaraxa sababtay ayaa ku aasnayd waddo ay dadwaynuhu inta badan maraan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga