Madaxweynaha maamul goboledka Galmadug ayaa xilkii ka qaday Wasiir xukumadisa ka
tirsana oo ka soo horjeestay shirka dib-u heshiisinta galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed ducale xaaf ayaa xilkii ka qaday wasirkii qorsheynta Galmudug Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Waxaana war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu sheegay in wasiir cabdikaafi xilkii laga qaday ka dib markii xilkii uu hayey uu sii wanagsan uu gudan wayey isla markaana uu ku kacay.

abuurida khilaaf soo kala dhexgala guddiga dib uu heshisiinta galmudug sido kalena uu caqabad ku noqday la shaqeeynta hayadaha calamka iyo kuwa dawlada fedralka somaliya
Wasiirka oo ahaa xoghayaa guddiga dib uu heshisiinta galmudug ayaa hore uu sheegay in guddigu uu laba qaybod uu kala qaybsamey isla markaana ay jiran xubno guddiga ka mid ah oo cid gaar ah uu shaqeeynaya.

Xilka wasarada qorsheeynta ayaa si ku meel gaadh ah waxaa uu sii heyn doona cabdiraxmaan maxamed cismaan oo ahaa wasiir dawlihii wasarada qorsheeynta galmudug

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga