Kenya oo ka hadashay danjiraheedii Soomaaliya ee la eryay

Kenya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay go’aankii xalay ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ay ku caydhisay safiirkii Kenya u fadhiyay Muqdisho, Lucas Tumbo, isla markaana ugu yeedhay safiirkeeda joogay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Macharia Kamau, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya,  ayaa sheegay in Kenya ka xun tahay go’aankaas, isagoo balan-qaaday in labada dal ay si diblomaasiyadeed uga hadli doonaan go’aankaas.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xidhiidhkoodu aanu wanaagsanayn sanadihii dhawaa, iyagoo labada waddan ku muransan badda u dhaxaysa oo Kenya ay kusoo durugtay biyaha Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga