Madaafiic lagu weeraray caasimadda Eriteriya

Madaafiic gobolka Tigrayga lagasoo tuuray ayaa mar kale lagu weeraray magaalada Asmara ee casimadda dalka Eritrea, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya caasimaddu.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Asmara ayaa ku warantay in lix qarax laga maqlayay magaalada maanta oo Axad ah.

Waa markii afraad ee shacabka Asmari ay maqlayaan dhawaqa madaafiic lagasoo ganay dhanka Tigrayga tan iyo 4ta bishan November oo ah markii dagaalka Tigraygu uu bilaabmay.

Warka madaafiicda ayaa imanaya saacado kadib markii raysalwasaare Abiy Axmed uu sheegtay in uu guul ka gaadhay dagaalka uu la galay Tigraygii owoodda badnaa ee Itoobiya.

Tigraygu waxay hore Eritrea ku eedeeyeen in ay taageero siinayso ciidamada milatariga Itoobiya, balse Itoobiya iyo Eritrea labaduba hore ayay u beeniyeen.

Eritrea oo ka mid ah wadamada ugu sirta adag dunida ayaan ka hadal madaafiicda Tigryaga. Waxa yar xogta lagasoo sheegi karo gudaha dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga