Xoogaga Tigrayga ayaa wali raba in ay dagaalka sii wadaan xili ay iskaga baxeen caasimadooda Mekele oo ciidamada federaalku ay sheegteen in ay si buuxda u maamulayaan imika.
Madaxada TPLF oo la hadlay wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegay in ay ku suganyihiin duleedka magaalada Mekele halkaas oo ay dagaal ka wadaan.
Debretsion Gebremichael wuxuu xusay in ay qabteen askar u dhalatay dalka Eritrea oo ka barbar dagaalamaysay ciidamada federaalka Itoobiya, balse sheegashadooda ayaan la xaqiijin karin.
Ma jiro war kasoo dhanka Eritrea, iyadoo hore u beenisay in ay wax lug ku lahady dagaalka ka socday gobolkan dhaca cidhifka waqooyi ee dalka Itooboiya, isla markaana kulaalaya xadka Itoobiya ay la wadaagto dalka ka go’ay ee Eritrea.