Madaxwayanaha dalka Kiiniya, Uhuru Kenyatta, ayaa 26 bishan si rasmi ah u daahfuray kulan lagu qabtay magaalada dekedda ah ee Mombasa, kulankaas ayaa daaranaa taariikhda markii ugu horraysay ee ay Kiiniya saliid dibadda u dhoofiso.

Saliiddan oo ay soo saartay shirkad laga leeyahay dalka Ingriiska, ayaa baadhitaan loogu jiray illaa sannadkii 2012-kii, waa markii ugu horraysay ee shidaal qaydhin laga dhoofiyo guud ahaan dalalka bariga Afrika, iyadoo ay iibsan doonto shirkada laga leeyahay dalka Shiinuhu shidaalkaa qaydhin, taasoo heshiis la gashay dalka Kiiniya.

Shirkaddan, ayaa sheegtay in shidaalka Kiiniya uu tartan la geli doono kuwa adduunka.
Madaxwaynaha Kiiniya ayaa sheegay in shidaalkan laga helay deegaanka Turkana, uu wax
wayn ka tari doono dhaqaalaha guud ee dalka.

Shidaalkan qaydhin ee la helay, ayaan weli loo diyaarin qalabkii, sida tuumbooyinka soo
qaadaya, kuwaasoo ay weli soo qaadaan baabuurta shidaalka soo qaadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga