Madaxweynaha Maraykanka ayaa soo jeediyay in duufaanta kusoo foolka leh gobolo ka tirsan Maraykanka lagu rido hubka nukliyeerka si looga hor tago.

Donald Trump oo hadalkiisa lala yaabay, ayaa qaar ka mid ah waaxaha ammaanka dalkiisa ka dalbaday in ay suurtagal tahay in hubka nukliyeerka loo adeegsado duufaanta kusoo socota.

Saynisyahanada ayaa sheegay in aanay fikrad wanaagsan ahayn in la adeegsado hubkaas, si loo burburiyo mawjadaha duufaanta.

Waxay intaa ku dareen in natiijo aan la mahadin ay ka dhalan karto hadii Trump lagu raaco soo jeedintiisa.

Hadalka madaxweynaha ayay dadku siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyadoo dad badani ay qariibsadeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga