Xukuumadda Yuhuudda, ayaa weerarro kala duwan ka gaysatay gudaha dalalka Suuriya,
Labnaan iyo Ciraaq, Israa’iil ayaa sheegtay inay weerarro ay kagaystay gudaha dalka Suuriya ku beegsatay ciidamo Iiraan ay leedahay iyo kooxo maleeshiyaadyo ah.

Koonfurta magaalada Bayruut ee caasimadda dalka Labnoon, ayaa waxaa kusoo dhacday
diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ta layidhaa ah, taasoo ay Israa’iil lahayd,
deegaankaas oo ay aad ugu badan yihiin ururka shiicada ah ee Xisbullah layidhaa, xisbullah ayaa sheegay inay soo ridi doonaan diyaaradaha Israa’iil.

Madaxwaynaha dalka Labnoon ayaa sheegay, in weerarrada ay Israa’iil kusoo qaadday dalkiisa ay ku shaacinayso dagaal, raysal-wasaaraha dalka Israa’iil Benjamin Netanyaahu, ayaa hore u sheegay inay dawladdiisu beegsanayso wax uu ugu yeedhay argagixiso.

Netanyahu oo ah wasiirka gaashaandhigga, ayaa dalka Iiraan ku eedeeyay inay taageerto
argagixisada.

Dawladaha ay Israa’iil weerartay dhulkooda, ayaa si adag uga hadlay falalka ay Israa’iil ku
kacday, kuwaasoo sheegay inaanay u dulqaadan doonin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga