Kenya waxay tagaysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kadib markii ay ka baxday kiiska dacwadda badda ee Soomaaliya ka dhaxeeyay.

Waa tallaabadii ugu danbaysay ee xukuumadda Nairobi ay ku rabto in ay muran kale oo hor leh kusii abuurto, iyadoo quus iyo rejo beel ka taagan kiiska badda.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya ayaa sheegay in dawladdiisu ay Golaha Ammaanka ee QM u gudbinayso dacwad ka dhan ah Soomaaliya, oo uu sheegay in ay biyo ku haysato Kenya.

Kenya waxay imika xubin aan joogto ahayn ka tahay Golaha Ammaanka, iyadoo rabta in ay galaangal kale samayso, dawladaha waawayna tusto dano ay ka arki karaan in ay garab u noqdaan dhankooda.

Kihara Kariuki oo ay xiganayso warbaahintu wuxuu xusay in Kenya in Golaha Ammaanka ka dalban doonto in ay soo faro galiyaan arinta sheegashadeeda badda ee biyaha Soomaaliya.

Kadib caddaymo ku filan oo Kenya ay wayday in ay hor keento maxkamadda ICJ, waxay raadinaysaa dedaaladii ugu danbeeyay ee ay ku rabto in weli kiiska lasii hayo inta ay waan waan iyo wada hadal ay rabtaa u rumoobayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga