Ingiriiska ayaa wadamada qaar ka saaray liiska cas ee la adkeeyay in dadka ka imanayaa ay soo galaan gudaha Ingiriiska halka uu ku daray wadamo kale oo cusub.

Waaxda socdaalka ee dalka Ingiriiska ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in dalka Portugal laga saaray liiska cas, taas oo ka dhigan in dadka ka imnaya dalkaasi ay karantiin ku gali karaan gudaha Ingiriiska isla markaana la dajin doonin hotel-ada loogu talo galay wadamada qaar ee lacagta badan kaga baxayso.

Wadamada Soomaaliya, Itoobiya, Cummaan iyo Qatar ayuu Ingiriisku ku daray liiska cas. Waxay ka dhigantahay in la adkeeyay galitaanka Ingriiska marka ay timaado dadka ka imanaya wadamadaas. 

Waxa laga rabaa in ay gudaha Ingiriiska degaan hotel ay kaga baxayso ku dhawaad $2500.

Go’aamadan waxa sidoo kale hoos imanaya in dadka kasoo baxaya Ingiriiska iyagana laga adkeeyay marka laga tago xaalado daruuri ah.

Dalka Ingiriiska ayaa go’aankan ku sababeeyay maadaama wadamadan ay ka jirto xaalad cusub oo fayraska karoonaha ah, taas oo ay la tacaalayaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga