Tallaalka Astrazeneca ee safmarka Covid-19 ee ay farsamaysay jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska ayay wadamada qaar ogaadeen in uu leeyahay saamayno kale oo caafimaad oo wax-yeelo leh, balse hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa ku adkaysanaysa in tallaalkani uu yahay mid sax ah.

Wadamada Holland, Ireland, Norway, Denmark, Bulgaria, Iceland iyo Thailand ayaa dhammaantood joojiyay in tallaalka Astrazeneca lagu mudo dadkooda.

Wadamadani waxay sheegayaan in tallaalku uu keenayo guntimo dhiiga ku samaysmaya iyo saamayno kale oo caafimaad oo ay ku kala duwanyihiin dadka xanuunada kale qabaa.

Hay’adda ugu sarraysa caafimaadka Yurub oo iyadu baadhitaano arintan ku aadan bilawday waxay xustay in wax tarka tallaalkani uu ka wayn yahay kana badan yahay saamaynta kale ee taban ee la sheegayo.

Waxa xusid mudan in tallaalkani uu maanta soo gaadhayay Soomaaliya lana rajaynayo in boqolaal kun oo Soomaali ah lagu mudo, si loo yareeyo halista caabuqa faafaya ee Covid-19.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga