Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa mar uu u warramayay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, inuu madaxwaynaha dalka Maraykanka Donald Trump kala hadli doono, sidii uu Maraykanku uga iibin lahaa Turkiga, gantaalaha Patriot.

 

Dalka Turkiga, ayaa hore uga iibsaday Ruushka, gantaalaha S-400, madaxwayne Erdogan ayaa u sheegay Reuters, in marka uu tago New York, uu si faahfaahsan ugala hadli doono Trump.

 

Markii uu soo baxay inuu Turkigu rabo inuu iibsado gantaalaha S-400, ayaa Maraykanka oo ay ku wada jiraan gaashaan buurta NATO si wayn uga cadhooday, isagoo sheegay inaan habka difaaco NATO lasoo gelin karin hub uu Ruushku farsameeyay, balse Turikaga ayaa si wayn uga dhego adaygay, isagoo digniino dhawr ah oo uu diray  marar kale duwan Turkiga ugu gooddiyay joojinta diyaaradaha F-35 iyo joojinta tababarro military iyo iskaashi kaleba.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga