Waxaa kordhay kharashka lagu raaco diyaaradaha iskaga kala goosha magaalooyinka Kismaayo iyo Niarobi, koradhka nooliga diyaaradaha, ayaa ka dambeeyay markii haayadda duulista Soomaaliya ay sheegtay in duulimaadyada caalamiga ah iyo kuwa gudaha dalkuba soo maraan magaalada Muqdisho.

Go’aanka dawladda Soomaaliya, ayaa ka dambeeyay markii doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta maamul-goboleedka Galmudug dib loogu doortay madaxwayne Axmed Madoobe.

Qaar kamid ah masuuliyiinta diyaaradaha rakaabka ee iskaga kala goosha Kismaayo iyo Nairobi, ayaa sheegay maadaama oo uu safarku dheeraanayo lacagtuna la kordhayso, taasoo ay shacabkii isticmaali jiray sheegeen inay dhib ku tahay.

Kismaayo ayay tagaan diyaarado kala duwan, oo iskugu jira kuwa haayadaha caalamiga ah, kuwa Amisom iyo qaarka rayidka daabula.

Dalwadda Soomaaliya, ayaan iyadu wax war ah kasoo saarin kordhka kharashka diyaaradaha ee lasoo werinayo.

 

Axmed Maxamuud Yuusuf,  SAABTV Hargeysa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga