Cadho xoogan ayaa ka dhalatay weerarada ay dablayda reer Koonfur Afrika ku hayaan ajaanibka ka shaqaysta gudaha waddanka.

Dawlado badan oo Afrikaan ah kana midyihiin Nigeria, Itoobiya, Zambia iyo Madascar ayaa walaac ka muujiyay weeraradan joogtada ah ee lagu hayo muwaadiniintooda ku sugan Koonfur Afrika.

Dad Soomaali ah ayaa ku jira dadka boobka iyo jidh-dilka loo gaystay maalmihii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Syrl Ramaphosa ayaa balanqaaday in xukuumadiisu ay wax ka qaban doonto tacadiyada lagu hayo ajaanibta dalkiisa ka shaqaysata, inkasta oo marar badan ay dawladda KoonfurAfrika sheegtay in ay xal u raadin doonto arintan, balse aanay shaqaynin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga