Waxa lagu jabiyay dagaalka sokeeye ee Libya ka socda. Jeneraal Khaliifa Xaftar iyo ciidamadiisa ayaa lagu jabiyaydagaalo badan oo ay la galeen ciidamada dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay.

Turkiga, Ruushka, Masar, iyo Imaaraadka ayaa dhammaantood dib uga fadhisanaya qorshaha xiga ee ay ku wajahayaan xaaladda dalka Libya, iyagoo hore u kala hubaynayay dhinacyada is haya.

Khaliifa Xaftar iyo huwanta taageerada uu ka helayay ee Ruushku uu ugu horeeyaaba waxay ku guul daraysteen in ay qabsadaan magaalada Tripoli, ee caasimadda dalka Libya kadib sanad iuo laba bilood oo ay ku sugnaayeen duleedka magaalada, isla markaana ay galeen dagaalo dhawr ah.

Saldhiga ciidamada cirka ee alWatiyah, iyo magaalada Tarhuna ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen ciidamada dawladda fadhigeedu yahay magaalada Tripoli. Waxay labada xarumoodb ahaayeen kuwo istaraatiji ah oo laf-dhabar u ahaa hawl-galka uu Xaftar ku damacsanaa in Tripoli uu kula wareego.

Hadda, xoogaga Xaftar waxay isku urursadeen magaalada Sirte, oo 450km bari ka xigta magaalada Tripoli, iyagoo sidoo kale isticmaala saldhiga alJufra ee ciidamada cirka, kaas oo ku yaala badhtamaha Libya.

Xoogaga dawladda ayaa qorshaynaya in magaalada xeebta leh ee Sirte ay ka saaraan ciidamada Xaftar. Waxay magaaladu u dhawdahay teerminaalada ugu muhiimsan dalka Libya ee laga dhoofiyo shidaalka laga soo saaro waddanka.

Inta la xaqiijiyay, Libya waxay haysataa kaydka ugu badan ee saliida caydhin guud ahaan qaaradda Afrika.

Badi deegaanada galbeedka ee dalka waxa imika si buuxda gacanta ugu haysa dawladda ay Qaramada Midoobay aqoonsantahay. Ciidamo Turki ah ayay ka helaan taageerada ugu badan.

Wali waddanka ayaa u kala qaybsan laba. Faayis alSiraaj oo raysalwasaare ka ah dawladda Qaramada Midoobay ay aqoonsantahay, Tripolina ay fadhi u tahay. Iyo baarlamanka dalka oo la safan garabka Khaliifa Xaftar.

Ka sakow jabka uu la kulmay, Xaftar wali wuxuu maamulaa deegaanada bariga ee qaniga ku ah saliida, balse lama caddayn karo awooda uu kusii difaacan karo gobolada uu haysto.

Waxa jira khilaaf u dhaxeeya Xaftar iyo wadamada taageera oo kala ah Ruushka, Faransiiska, Imaaraadka, iyo Masar. Wadamadan ayaa ka cadhaysan in Xaftar uu tahli waayo iska-caabin uu ka galo hareeraha Tripoli, iyagoo hadda ka walaacsan in uu lumiyo deegaano kale.

Khubarada wax falanqaysa ayaa saadaalinaya in ay yartahay suurtagalnimada ah in awood milatari ay siiyaan Xaftar si uu mar kale Tri;oli ugu duulo. Balse ay cadahay in wadamadani ay difaaci doonaan danaha ay ka leeyihiin bariga Libya oo ay ugu horayso ceelasha shidaalku. Imaaraadka iyo Ruushka, labaduba waxay keeneen deegaanada xeebta hub lagu difaaco oo dhanka cirka ah.

Hadii Xaftar uu lumiyo deegaanada ceelasha saliida, waxa cad in wadamada taageerayaa ay waayi doonaan rejada ah in ay ka macaashaan shidaalka Libya.

Maraykanka oo hore taageero ugu muujiyay Xaftar ayaa imika rejo yar ka qaba in Xaftar uu la wareegi karo talada Libya. Madaxweyne Trump ayaa dhigiisa Turkiga Rejeb Erdogan kala hadlay qorshe nabadeed oo Libya loo raadiyo.

Garabka Xaftar iyo wadamada taageeraaba waxay dalbanayaan xabbad-joojin, balse marna ma noqon doonto mid nabadeed ee waxay u egtahay khiyaamo dagaal, sida ay sheegayaan dadka falanqeeya siyaasadda Libya.

Wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadda Tripoli ayaa sheegay in ay aqbalayaan wada hadal siyaasadeed, balse ay tahay kadib marka ay la wareegaan magaalada Sirte iyo saldhiga ciidamada cirka al Jufra. Hadii labadaa deegaan ay la wareegaan waxay u egtahay dhammaadka Xaftar ee Libya.

Wejiga xiga ee cooladda Libya waxay ku xidhantahay tallaabada ay qaadaan huwanta taageera Xaftar, iyo hawlgalada xiga ee dawladda fadhigeedu yahay Tripoli ay qaada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga