Wararka laga helayo saxaafadda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa sheegaya in xildhibaano badani ay qorshaynayaan in meesha laga saaro xildhibaan Aadden Barre Ducaale oo hadda ah hogaamiyaha aqabiyadda ee baarlamanka waddanka Kenya.

Xildhibaano gaadhaya 120 oo ka tirsan 179-ka xildhibaan ee isbahaysiga Jubilee uu ku leeyahay baarlamanka Kenya ayaa saxeexay qorshe lagu damacsanyahay in xilka lagaga xayuubiyo Aaden Barre Ducaale.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa furi doona fadhiga baarlamanka ee maalinta Isniinta, iyadoo ay aad isugu dhawyihiin xildhibaan Aaden Barre Ducaale.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamanka Kenya, Aaden Barre Ducaale, ayaa lagasoo doortaa deegaanka Garisa ee gobolka Waqooyi bari dalka Kenya. Waxa uu baarlamanka Keynya ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2013-kii, isagoo sanadkii 2017 ka mid noqday isbahaysiga Jubilee ee haya talaada dalka Kenya, isla markaana noqday hogaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamanka dalka Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga