Maxkamadda sare ayaa diiday in la joojiyo barnaamij lagu ilaaliyo caruurta qaxootiga ah ee gudaha Maraykanka ku nool. Maxkamadda ayaa taageertay go’aan ay hore u gaadhay maxkamad hher gobol ahi, kaas oo go’aanka Trump ku tilmaantay mid sharci darro ah.

In ku dhaw 1 milyan oo caruur ah ayaa hadda lagu ilaaliyaa sharciga uu madaxweyne Trump damacsanaa in uu meesha ka saaro. Caruurtaas ayaan markii ay soo galayeen Maraykanka haysan dhukumantiyo sax ah.

Waxa la sameeyay sharciga wakhtigii madaxweyne Obama.

Madaxweyne Trump, oo hore qorshaha meesha lagaga saarayo sharciga keenay ayaa ku guul daraystay in uu miiska soo saaro dood lagu qanci karo oo ku aadan sababta uu u joojinayo siyaasaddan lagu ilaalinayo caruurta.

Trump wuxuu si adag uga hor yimi go’aanka maxkamadda sare, isagoo ku tilmaamay mid laga naxo oo dhinacna ka siyaasadaysan. Shacabka Maraykanka ayuu ugu baaqay in ay mar kale codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada ee bisha November, si buu yidhi uu u keeno xaakino badan oo u janjeedha dhanka xisbiga Jamhuuriga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga