Justin Trudeau, raysalwasaaraha dalka Canada ayaa u muuqda mid baaqi ku ahaan doona talada, isagoo afarta sanno ee soo socota usii talin doona dalkan ku yaala Waqooyiga Ameerika.

Xisbiga uu kasoo jeedo ee Liberal-ka ayaa lumiyay kuraas badan gobolada bariga, balse wuxuu heli doonaa kusaasta ugu badanĀ  baarlamanka marka la barbar dhigo xisbiyada kale.

Xukuumadda Mr. Trudeau ayaa noqon doonta mid aan aqlabiyad haysan, wuxuuna ku khasbanaan doonaa in uu la shaqeeyo xisbiyada kale marka uu rabo meel-marinta sharciyada.

Doorashadan ayaa ka mid ahayd kuwii ugu adkee ee ka dhaca Canada, iyadoo murashaxiin afar ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ay u tartamayeen baarlamanka guud ee Canada.

 

WARARKA KASOO KORDHA KALA SOCO SAABTV.COM.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga