Wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, ayaa bilowday inay gadiidka dadwaynaha ku rakibto qalab loogu talagalay inay xaddidaan xawaaraha.
Qalabkan, ayaa lagu bilaabay gadiidka basaska , agaasimaha waaxda gaadiidka, ee wasaaradda gaadiidka Somaliland, ayaa sheegay in 400 oo Bas lagu xidhi doon, iyadoo sidoo kalena looga sii gudbi doono gadiidka qaada biyaha ee loo yaqaan booyadaha iyo kuwa jaadka.
Qalabkan, ayaa saamaxaya in baabuurka lagu wado xawaare cayiman iyadoo aanu baraha Kantaroollada dhaafi doonin gaadiidka aanu ku rakibnayn.
Shirkadda Bari iyo Galbeed, oo ah shirkadda ugu waawayn ee xagga socdaalka dalka gudihiisa, ayaa si wayn uga qayb-qaadatay qalabkan, iyadoo lagu rakibay gaadiidkoodana.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga