Kooxda alShabab ee dagaalka hubaysan kula jirta dawladda Soomaaliya ayaa sheegatay in ay weerar ku qaaday doon ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada xooga Soomaaliya.

Doonta ayaa maraysay meel ku dhaw biyaha magaalo xeebeedka Marka.

Ma jiro war beeninaya ama cadaynaya oo kasoo baxay dhanka dawladda, balse saraakiisha ayaa tilmaamaya in uu shil ka dhacay meesha.

Illaa 3 askari ayaa la la’yahay halka 13 kalana lasoo badbaadiyay, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya deegaanku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga