Sanadkii la soo dhaafay, dowladda Jarmalku waxay saxiixday dhoofinta hubka ee waddamada ku lugta leh dagaallada dhimashada badan sababay ee dalalka Yemen iyo Liibiya. Jarmalka ayaa ka mid ah shanta wadan ee ugu badan marka ay noqoto dhoofinta  hubka.

Dowladda Jarmalka ayaa oggolaatay dhoofinta hub qiimuhu dhan yahay wadar ahaan 1.16 bilyan oo lacagta Euro ah, taasi oo u dhiganta ($ 1.41 bilyan)  intii lagu jiray sannadka 2020 kaasi oo loo dhoofiyay waddamada ku lugta leh iskahorimaadyada Yemen iyo Liibiya, sida ay ku warantay wakaaladda wararka dpa oo soo xiganaysa Wasaaradda Dhaqaalaha dalkaas.

Jarmalka ayaa qalinka ku duugay  Diseembar 17, heshiis ogolaanaya dhoofinta hub iyo qalab Militari oo uu qiimahoodu ku kacayo 752 Milyan oo dollarka Maraykanka ah, hubkaasi iyo qalabkaasi Militari ayaa loo dhoofinayaa dalka Masar.

Shirkadaha Jarmalka ee hubka sameeya, ayaa loo ogolaaday heshiisyo dhanka hubka ah oo lay la galeen qaar kamid ah dalalka Carabeed sida mid ay la galeen Qatar oo ku kacaya 305.1 Milyan oo Euro, Imaaraadka Carabta, 51 Milyan oo Euro, Kuwayt 23.4 Euro iyo Turkey oo ay la galeen heshiis dhan 22.9 Milyan oo Euro.

Sidoo kale iyana dalalka Jordan iyo Baxrayn, ayaa iyana hub jarmalka kaga soo iibsan doona lacago dhan 1.7 Milyan iyo 1.5 Milyan oo lacagta Euro ah.

Xogtahani ayaa waxaa bixisay xukuumadda Jarmalka, kadib codsiyo ka yimi xildhibaanada baarlamaanka aqalka hoose, kuwaasi oo ka soo jeeda xisbiga cagaaran ee dalka Jarmalka.

Wadamada la xusay dhamaantood waxay ku lug leeyihiin mid ama labadaba dagaalada sanadaha badan ka socday Yemen iyo Liibiya.

Yemen, xulafada uu hogaaminayo Sacuudiga waxay la dagaallamayeen fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan taageerto oo ay wehliyaan dowladda tan iyo dabayaaqadii 2014. Isbaheysiga waxaa ku jira Imaaraadka, Masar, Kuwait, Jordan iyo Baxreyn.

Xafiiska gargaarka bini’aadanimo ee qaramada midoobay ayaa tirada dadka ku dhintay dagaalka 6 sano jirsaday ee ka socda dalka Yemen ku qiyaasay 233,000 qof

Sidoo kale illaa 131,000, ayaa u geeryooday sababo aan toos ahayn, sida cunno la’aan, caafimaad xumo iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo burburay dartood. 

Dhanka kale, dagaalka sokeeye ee Liibiya ayaa soo socday tan iyo sanadkii 2014, ayaa waxaa ku geeryooday kumanaan qof. Qadar iyo Turkiga ayaa faragalin ku haya dhinaca Dowlada Caalamku aqoonsan yahay ee Heshiiska Qaranka ee uu hogaamiyo Raiisel wasaare Fayez al-Sarraj ee fadhigeedu yahay magaalada Tripoli.

Jeneralka Militari ee xoogga badan General Khalifa Haftar ayaa waxaa taageera Imaaraadka iyo Masar. Waqtigan xaadirka ah, xabbad joojin ayaa ka jirta Liibiya, taasoo sare u qaadaysa rajada laga qabo in colaadda la joojiyo.

Jarmalka oo ka mid ah kuwa hubka dhoofiya

Jarmalka waa mid ka mid ah shanta dal ee hubka ka dhoofiya adduunka oo dhan, oo ay wehliyaan Mareykanka, Ruushka, Faransiiska iyo Shiinaha, sida lagu sheegay xog cusub oo laga helay Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga ee Stockholm (SIPRI).

Wadajir, waxay ka koobnaayeen 76% dhammaan dhoofinta hubka ee sanadihii 2015 – 19, warbixinnada SIPRI.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga