Toban carruur ah oo markaas uun dhashay ayaa ku geeryooday dab ka kacay cisbitaal ku yaalla dalka Hindiya.

Qaar kamid ah shaqaalaha cisbitaalka, ayaa kusoo yaacay  si ay u badbaadiyaan carrurta xilli hore maanta oo Sabti ah, waxaana dabka laga soo badbaadiyay 7 carruur ah kahor intii aanay iman kooxaha dab-demiyeyaashu.

Cisbitaalka dabku ka kacay, ayaa ku yaalla degmada Bhandara oo dhacda gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra.

Raiisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Modi, wuxuu ku tilmaamay dhacdadani inay tahay musiibo wadne-xanuun leh, waxaanu ka tacsiyeeyay ehelkii iyo qaraabada carruurtii kadib dhalashadoodii ku dhintay dabka cisbitaalka ka dhacay.

Dabka oo bilaabmay abaara 2:00 wakhtiga gudaha dalkaasi Hindiya, ayaan la ogayn illaa hadda waxa dhab ahaantii sababay, balse saraakiishu waxay sheegayaan inay wadaan baadhitaan arrintaasi la xidhiidha. 

Warbaahinta dalka Hindiya waxay ku warramaysaa, in dedaallada samata-bixinta ay carqaladaynayaan, qaraxyo is-daba-joog ah oo ka dhacaya waadhka gudihiisa.

Mid ka mid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka ee heeganka ku jiray ayaa sheegtay inay ku wargalisay maamulka cisbitaalka ka dib markii ay aragtay qiiq ka baxaya qaybta daryeelka dhallaanka markaas uun dhashay.

Wasiirka arrimaha gudaha Hindiya, Amit Shah, wuxuu sheegay inaanu ereyo ku cabiri karin khasaaraha dhacay, waxaanu ku tilmaamay khasaare aan dib loo soo celin karin. 

Wasiirka gaashaandhigga Rajnath Singh wuxuu sheegay inuu aad uga murugooday dhimashada carruurtaas inuu u dirayo tacsi tiiraanyo leh ehellada carruurtii halkaasi ku dhimatay. 

Degmada Bhandara, ayaa qiyaastii 62km (39 miles) u jirtaa magaalada woqooyi-bari ee Nagpur – waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Maharashtra.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga