Itoobiya ayaa ku eedaysa ciidamada Suudaan inay dad rayid ah ku laayeen dhulka ku yaalla soohidinta ee ay labada dal ku muransan yihiin.

Xiisadda u dhexaysa labada dal ee Suudaan iyo Itoobiya, ayaa cirka isku sii shareertay markii uu dagaalku ka qarxay gobolka ku yaalla waqooyiga Itoobiya ee Tigrey 4-tii bishii Nov. sannadkii hore.

Isku dhacyo dhimasho sababay ayaa dhex maray dalalkani deriska ah, taasi oo la xidhiidhay eeriyada Al-Fahsqa ee dhacda xududda.

Murankani u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya, ayaa kusii siqaya inuu kusoo jiido dal saddexaad iyadoo ay hore ugu lug lahaayeen ciidamada Eriteria iyadoo laga cabsi qabo isku dhac goboleed.

Maamuleyaasha Itoobiya ayaa hore ugu Militariga Suudaan, fulinta weerarro qorshaysan, iyagoo adeegsanaya hubka culus iyo gaadiidka gaashaamaan meelo kamid ah soohdinta.

Dina Mufti, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, waxay u sheegtay weriyeyaasha maalintii Salaasadii, in la bililiqaystay hantidii beerelayada reer Itoobiya iyadoo la dhaawacay dad badan oo rayid ah halka ku kalena la dilay.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan Cumar Qamar ayaan ka bixin wax jawaab ah codsiyo iyo faallooyin loo diray, balse wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Suudaan la wareegeen badiba dhulka laysku haysto ee Al-Fashqa, waxaanu ka digay wax kasta oo xiisadda kor u kicin kara.

Wasiirka ayaa sheegay in dawladda Suudaan adeegsan doonto hababka diblumaasiyadeed si ay u xalliso khilaafka jira.

 

Labada dhinac ayaa ka kulmay arrinta soohdinta,balse kulankooda ayaan yeelan wax midho dhal ah oo muuqda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga