Itoobiya waxay war kasoo saartay ciidamada Sudan oo ay sheegtay in ay kusoo durkeen deegaano ka mid ah xadka ay wadaagaan labada waddan ee gobolka alFashqa.

Xukuumadda Addis ayaa Sudan uga digtay in ciidamadeedu ay gudaha u galaan dhulka Itoobiya.

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda ee dawladda Itoobiya ayaa xusay in dawladdisu ay qaadi doonto duullaan hadii aanay ciidamada Sudan ka laaban hawlgalada ay ka wadaan gobolka.

“Hadii ayna Sudan joojin dhul ballaadhsiga ay ka wado cariga Itoobiya, Itoobiya waxa lagu khasbayaa in ay tallaabo jawaab ah qaado” ayuu yidhi danjire Dina Mufti, afhayeenka u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya.

Taliye sare oo u hadlay ciidamada Sudan ayaa maalin ka hor xaqiijiyay in ciidamada dalkiisu ay la wareegeen deegaano hoos yimaada alFashqa, kana saareen ciidamada Itoobiya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga