Illaa 22 qof ayaa ku dhintay halka 50 kalana ay ku dhaawacmeen laba qarax oo awood badnaa kana dhacay magaalada xeebta ku taala ee Cadan ee dalka Yemen.

Qaraxa ayaa dhacay wax yar kadib markii ay garoonka Cadan soo cago dhigatay diyaarad siday madaxda dawladda Yemen ee dhawaan la dhisay oo Sucuudiga kasoo anba baxay.

Waxa lagu arkayay muuqaalada qarax lagu dhuftay mid ka mid ah teerminaalada laga dhoofo ee madaarka, kaas oo qiiq madaw ku xidhay aaga. Iyadoo ay kala carareen dad badan oo soo dhawaynayay madaxda dawladda kuan sugnaa madaarka Cadan.

Madax dawladda ka tirsan iyo shaqaale kale ayaa ku jiray dadka dhintay, balse raysalwasaaraha ayaa sheegay in isaga iyo golahasiisa wasiiraduba ay bad qabaan.

Wasiirka warfaafinta ee Yemen ayaa kooxda Xuutiyiinta ku eedeeyay weerarka, isagoo xusay in uu ahaa weerar argagixiso oo fulaynimo ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga