Ku dhawaad 6 sanno oo ay xidhnayd soohdinta u dhaxaysa Somaliand iyo Jabbuuti, ayaa dib loo furay.
Arrintani ayaa timi kadib markii uu Jabbuuti booqday madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayay, iyagoo shalay dib ugu soo laabtay dalkana kana soo galay xuduudda dhanka dhulka.
Madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrinta xuduudda madaxwaynaha Jabbuuti.
Madaxwayne Biixi ayaa bulshada ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabad-geliyada.
Wasiirka wasaaradda biyaha, beeraha iyo xannaanada xoolaha Jabbuuti, ayaa sheegay in shacabka Jabbuuti iyo Somaliland ay yihiin laba shacab oo walaalo ah.
Taliyaha ciidanka booliska Jabbuuti, Korneel Cabdillaahi Cabdi Faarax ayaa dhankiisa xusay in ay soohdinta u dhaxaysa Somaliland iyo Jabbuuti furan tahay.
Sannadkii 2014-kii ayay ahayd markii ay jamhuuriyadda Jabbuuti gebi ahaanba xidhay xadka ay la wadaagto Somaliland iyadoo sababtii loo xidhayna ay ugu waynayd qaraxii Jabbuuti ka dhacay, markaas kadib dib baa loo furay xuduudda, gaadiidka iyo dadka ka yimaadda Somaliland ayaa la diiday inay soo galaan gudaha dalka Jabbuuti, taasi oo dhib ku ahayd shacabka iyo gaadiidkii geli lahaa Jabbuuti labada.