Dawladda Itoobiya waxay si adag uga cadhootay war kasoo baxay dawladda Maraykanka oo sheegayay in Maraykanku uu xaaladda waddanka Itoobiya kala hadlay dawladda Kenya.

Itoobiya waxay qabtaa in arimaha dalkeeda uu Maraykanku si toos ah ugala hadlo dawladda Itoobiya balse aanu dhinacyo kale usoo marin.

Afhayeenka wasaaradda arimaha diabdda ee Itoobiya oo ka hadlay arintan wuxuu tallaabada Maraykanka ku sheegay mid aan wanaagsanayn.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasiirka arimaha dibadda ee Maryakanku uu sheegay in uu xaaladaha Itoobiya iyo Soomaaliya kala hadlay dawladda Kenya gaar ahaan, madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Arinatan ayay ka cadhootay dawladda Itoobiya, balse Soomaaliya ayaan weli ka hadal in arimaha gudaha ee dalkeeda lagala xaajoodo dalka Kenya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga