Dawladda Ruushku waxay digniin u dirtay dawladda Maraykanka oo ay uga digtay in ay qaado wax tallaabo ah oo dalkaas lagu saarayo cuno qabatayn.

Madaxweynaha Ruushka ayaa dhigiisa Maraykanka u sheegay in hadii Maraykanku wax cuno qabatayn ah kusoo rogo Ruushka ay arintaasi keeni doonto in gabi ahaanba uu burburo xidhiidhka u dhexeeya Moscow iyo Washington.

Vladamir Putin wuxuu khadka telefoonka kula hadlay Joe Biden, kadib markii Maraykanku ku hanjabay in uu cuno qabatayn saarayo Ruushka, hadii uu duullaan ku qaado dalka Ukraine.

Putin wuxuu u sheegay Joe Biden in cuno qabatayntu ay noqon doonto khalad aan lagasoo kaban, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhanka Aqalka Cad war kasoo baxay waxa lagu sheegay, in madaxweynaha Maryakanku uu dhigiisa Ruushka u sheegay in hadii duullaan ayku qaadaan Ukraine ay Maraykanka iyo xulafadiisu samayn doonaan fal kasta oo lagu difaacayo Ukraine.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga