Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa jiray warar soo baxaya oo sheegaya in ay kala qaybsanyihiin Midawga Murashaxiinta ee dalka Soomaaliya, kuwaas oo go’aano isku mid ah hore uga qaatay xaaladihii siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegay in masuuliyiinta Golaha Midawga Murashaxiintu ay ku kaa qayb sameen taageerada raysalwasaaraha iyo mawqifka ay ka qaadanayaan, iyadoo xubnaha qaar ay dood ka keeneen, sida ay tilmaamayaan xogo aanu helnay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh, kana mid ah Midawga Murashaxiinta ayaa beeniyay in uu jiro wax khilaaf ah iyo kala qaybsanaan ka dhex jirta Murashaxiinta.

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku eedeeyay wax uu ku sheegay ‘cayayaanka baraha bulshada’ in ay faafinayaan warar been abuur ah oo ku saabsan Murashaxiinta, isagoo xusay in xubnaha qaar maqan ay isku mawqif ka yihiin xaaladda taagan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga