Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa mar kale shir ka yeeshay xaaladda qasan ee ka taagan siyaasadda dalka Soomaaliya oo ka dhalatay doorashada lagu muransanyahay xiliga ay qabsoomaysaa.

Golaha Ammaanka ayaa kulankooda shalay a albaabadu u xidhnaayeen iyagoo warbixin ka dhagaystay ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, danjire James Swan.

Goluhu muu soo saarin bayaan cad oo kulanka qeexaya, balse dawladaha xubnaha ka ah golaha ayaa warar kala duwan soo saaray iyagoo sheegay qodobada ay kaga hadleen kulanka ay albabaadu u xidhnaayeen.

Dawladaha golaha qaybta ka ahaa ayaa xusay in goluhu uu u soo jeediyay in si degdeg ah ay dhinacyadu ugu laabtaan teendhada Afisyooni si mar kale loo bilaabo wada hadalka doorashooyinka, iyagoo kasoo hor jeedsaday muddo kordhinta loo sameeyay xukuumadda dhexe iyo baarlamanka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in la hir galiyo heshiiskii doorashooyinka ee sanadkii hore bishii September, kaas oo ah kan ugu dhaw ee xal lagu abuuri karo doorashaduna ay ku qabsoomi karto.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga