Israel waxa looga dareeray doroashooyinka madaxtinimada kadib markii ay burburtay dawladdii wadaaga ahayd ee heshiiska lagu ahaa.

Waa doorashadii afraad ee shacabka Israel ay u dareeraan muddo ka yar laba sanno, iyadoo xisbina aanu helin aqlabiaydda la rabay in uu ku guulaysto.

Dadka ku dhaqan gobolka samayska ah ee Israel waxay ku kala qaybsanyihiin hogaamintaa Ben Netenyahu, raysalwasaaraha 71-jirka ah ee Israel, oo wajahaya dacwado badan oo la xidhiidha xatooyo uu sameeyay iyo wax is daba marin. Dacwadihiisa ayaa weli socda iyadoo la maxkamadaynayo mar kale.

6.5 million oo Israeliyiin ah ayaa loo diwaan galiyay in ay codkooda dhiibtaan iyadoo goobaha codaynta laga furay deegaanada ay ka arimiso Israel iyo daanta galbeed ee xooga ay ku haysato.

Kuraasta aqalka baarlamanka ee Knesset oo dhan 120 kursi ayaa la rabaa in hal xisbi uu helo aqlabiyadda si uu kursiga raysalwasaaraha u hanto, balse labada xisbi ee xafiiltanka adagi uu ka dhexeeyay ayaa ku guul darraystay in ay aqlabiyad helaan.

Hadii mar kale ay xisbiyadu ku guul darraystaan in ay helaan aqlabiyad, waxa lagu khasbanyahay in doorasho kale la qabto ama ay dhistaan is bahaysi si dawlad wadaag ah ay u helaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga