Dawladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku baaqay shir ay isugu yimaadaan Golaha Amaanka  ee Qaramada Midoobay, kaas oo ay uga hadlayaan waxa ay ugu yeedheen “qalalaasaha siyaasadeed ee adduunka”, kadib markii quwadaha reer galbeedka ay cunaqabateyn hor leh ku soo rogeen labadan dal, sababo ay ku sheegeen ku xad gudubka xuquuqda aadanaha.

Labadani dal waa Ruushka iyo Shiinaha e, ayaa ah xulafo, waxaana sii xumaanayay xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka galbeedka, kuwaasi oo culaysi waynina fuulay xidhiidhka kala dhexeeya dalalkaasi.

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen maalintii Salaasadii, kadib wada hadallo ay caasimadda Shiinaha ee Beijing ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Ruushka Sergey Lavrov iyo Shiinaha  Wang Yi, ayay ku sheegeen in xilligan ay sii kordhayso qalaalasaha siyaasadeed ee adduunka, waxaanay ku baaqeen in xubnaha golaha joogtada ah ee golaha ammaanku isugu yimaadaan shir, si foolka fool ah looga wada hadalo arrimahan iyo siyaabaha loo xallin karo, iyadoo la ilaalinayo xasilloonida guud iyo danaha aadamaha, ayaa lagu yidhi bayaanka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka.

Maamulka Moscow ayaa muddo dheer keligeed ku baaqaysay, inay layskugu yimaaddo shir-madaxeed, balse bayaankan ayaa soo baxay kadib markii si Mareykanka, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday iyo Kanada ay cunaqabateyn u saareen saraakiil kooban oo Shiineys ah maaintii Isniintii sababo la xiriira xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo ka dhan ah dadka muslimiinta Uighur ee ku nool gobolka Xinjiang ee woqooyi galbeed.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in jawaabta mideysan ay “u direyso fariin adag kuwa ku xad gudba ama ku xadgudba xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah,” sida uu ka digay, “tilaabooyin dheeri ah oo ku saabsan isku dubaridka shuraakada isku fikirka ah”.

Shiinaha ayaa kaga jawaabey cuno qabateyn ay saareen 10 shaqsi oo reer Yurub ah iyo afar hay’adood oo ay sheegeen inay dhaawaceen danaha Shiinaha isla markaana ay “si maldahan u faafiyeen been iyo been abuur”

Ruushka sidoo kale wuxuu diyaar u yahay wareeg cusub oo cunaqabateyn Mareykanka ah oo ku saabsan waxa Washington ay sheegtay inuu faragalin ku sameeyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee 2020, taas oo Moscow ay beenisay.

Bayaanka wadajirka ah ee Ruushka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale ku boorriyay dalalka kale inay ka waantoobaan faragelinta arrimaha gudaha ee labadani dal

SAAB TV ISHA XOGTA LAGA HELO.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga