Wasiirka sirdoonka Israa’iil Eli Cohen, ayaa caddeeyay in Israa’iil ay kasoo horjeedsan doonto in Mareykanku  dalka Qatar ka iibiyo diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Wasiirka sirdoonka Israa’iiliyiinta oo la hadlayay Raadiyaha Ciidamada Israel, waxaa uu sababta diidmadaas ku sheegay in Israel ay u baahan tahay inay joogteyso ka go’naanasha ay ka go’an tahay noqoshada dalka ugu awood militari sarreeya gobolka bariga dhexe.

Eli Cohen, wasiirka sirdoonka Israa’iil ayaa Waxa uu hadalkan sheegay mar waxa laga weydiiyey warbixin ay qortay wakaaladda wararka Reuters oo la xidhiidhay in Qatar ay codsi rasmi ah u dirtay Washington, kaasi oo ay ku dooneyso in looga iibiyo diyaaradaha F-35 iyo waxa uu dalkiisu kala socdo arrintaasi.

Isagoo ka jawaabayay ayuu sheegay in amniga Israa’iil iyo sii ahaanshaha dalka ugu Militari sarreeya gobolkaasi, ay aad muhiim ugu yihiin, waxaanu si duur xul ah u sheegay in weli ay jiraan cadow badan oo uu leeyahay dalkiisu oo aanu noqon dal dhexdhexaad ah sida Switzerland oo kale.

Codsiga ay dawladda Qatar u dirsatay dalka Maraykanka ee la xidhiidha diyaaradaha dagaalka F-35, ayaa ka dambeeyey heshiis ay bishii August gaareen Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, kaasi oo Washington ay ku ogolaatay inay ka fakarto in diyaaradaha F-35 laga iibiyo Imaaraadka, heshiiskaasi oo sida la sheegay qayb ka ahaa heshiiska Abu Dhabi ay la gashay Israel, ee ay kula yeelatay xiriir diblomaasi.

Kahor heshiiskii dhexmaray Imaaraadka carabta iyo Israa’iil, Israa’iil waxay si adag oo aan gabasho lahayn uga soo horjeedsatay in uu Maraykanku ka iibiyo Imaaraadka carabta diyaaradaha F-35.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga