Madaxweynaha dalka ku yaala Bariga Afrika ee Uganda ayaa iska bedelay magacisii hore ee loo wada yaqaanay, isagoo magac cusub lasoo baxay.

Yoweri Kaguta Museveni ayaa magaciisa cusub ka dhigay Yoweri Tibuhaburwa Kaguta Museveni, isagoo xusay in magacan la odhan yaraantiisii balse lagama maqal muddo ka badan 30 sanno uu u talinayay dalka Uganda.

Tibuhaburwa ayuu kusoo kordhiyay magaca hore loogu yaqaanay madaxweynaha.

Magacan ayaa si rasmi ah loogu diwaan galin doonaa madaxweynaha, waxaana ka fal celiyay dad badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga