Iran waxay si rasmi ah u bilawday in ay mar kale kordhiso xaddiga maadada Yuraaniyamta ee ay ka farsamayso nukliyeerka, sida ay ogaadeen kooxaha dusha kala socda dhaqdhaaqyada Tehran ee barnaamijkeeda hubka wax gumaada ee nukliyeerka loo yaqaano.

Waxay kusoo beegmaysaa xili Iran ay yeelanayso madaxweyne cusub oo mayal adag isla markaana la filayay in uu dar dar galiyo hawlaha nukliyeerka ee dalkan ku yaala Bariga Dhexe.

Iran waxay ku war galisay Ururka Caalamiga ah ee Nukliyeerka in ay kor u qaadayso tamarta, balse tallaabooyinka ay qaadayso ayay saynisyahanadu sheegeen in sidoo kale bamka nukliyeerka lagu horumarin karo.

Midawga Yurub oo arintan ka hadlay waxay ka digeen in tallaabada Iran ay jabinayso heshiiskii ay la galeen sanadkii 2015. Sidoo kale Maraykanka ayaa isna tibaaxay in ay halis ku tahay wada hadlada socday.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga