Raysalwasaaraha xukuumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta socdaal ku tagaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmi doona madaxweyne Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadli doona arimaha doorashooyinka.

Rooble waxa la filayaa in uu mashaariic ka dhagax dhigo deegaanada Jubaland.

Waa safarkii ugu horeeyay ee raysalwasaaruhu uu Kismaayo ku tago tan iyo markii la magacaabay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga