Iran waxay mar kale ka digtay in lagusii kordhiyo cunaqabataynta dhanka hubka dalkaas saaran mudada sanadada ah.

Maraykanka ayaa isaguna u hanjabay cid kasta oo fulin wayda amarada uu soo saarayo ee la xidhiidha in aan wax heshiis hub ah lala galin dalka Iran, isla markaana lagu sii dheereeyo cunaqabataynta saaran imika oo dhawaan ka dhamaanaysa.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Iran wuxuu bulshada caalamka ugu baaqay in ay diidaan wax uu ku sheegay gardaradda uu wado Maraykanku.

Dawladda Maraykanka ayaa wada olole xoogan oo ay ku rabto in sanado badan oo kale Iran loogu daro cunaqabataynta saaran. Wadamada ay xulafada yihiin ee awoodda ku leh Qaramada Midoobay iyo xubnaha Golaha Ammaanka ee imika ayay ka dalbatay in aan laga qaadin Iran canaqabataynta.

Badi wadamada ayaa diidan tallaabada xukuumadda madaxweyne Trump, lamana oga sida uu xaalku noqon doono bisha soo socota ee October, markaas oo Golaha Ammaanku uu ka fadhiisan doono arinta Iran.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga